Madaxii hore ee sirddoonka Itoobiya iyo 25 kamid saraakiishii sirddoonka dalkaasi ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay geysteen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Getachew Asefa oo ahaan jiray madaxii sirddoonka dalka Itoobiya ayaa xilka laga qaaday markii Abiy Axmed uu isbaddallo ku sameeyay hoggaanka dalkaasi.

Getachew iyo afar sarkaal ayaa la maxkamadeynaya iyaga oo maqan, sida ay sheegtay warbahiinta ay leyihiin dowlada Itoobiya ee FANA.

Sannadkii lasoo dhaafay, saraakiil sare oo ay kamid yihiin, Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Tigreega waxay sheegeen in madaxii hore ee sirddoonka Getachew uu ku dhuumaaleysanayo gobolkii uu kasoo jeeday ee Tigreega balse dadaal dheer oo lagu doonayo in lagu soo qabto ninkan ayaa fashilmay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.