Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday inay si rasmi dib ugu furtay safaaraddeedii magaalada Muqdisho, taas oo dalka ka maqneed wixii ka dambeeyay 5-tii January sanadkii 1991-kii, xiligaas oo uu dalku galay burbur iyo dagaal sokeeye oo daba dheeraaday.

Mareykanku waxa uu sheegay in  mudadaas uu xiriir lalahaa Soomaaliya, wuxuuna bishii december ee sanadkii 2018-kii dib usoo celiyey howl-galkii diblomaasiyeed ee Muqdisho, sida u cad bayaan ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Dowlada Mareykaanka ayaa sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay “dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.”

Safiirka Mareykaanka u qabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa ballan-qaaday in Mareykanka uu wadi doonno inuu saaxib xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo dimoqraadi ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.