Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay caawa soo saartay shaaca uga qaaday khilaaf weyn oo ka dhex jira xarakada Al Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”

Hase yeeshee, qoraalkan ayaa imanaya ayada oo xarakada Al Shabaab ay sheegatay Xasuuqi 28-kii December ee Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo lagu Xasuuqau in ka badan 80 qof oo aan waxba galabsaniin.

Al-Shabaab ayaa qirashadaas ka sokow waxay raali-gelin ka bixisay dadka shacabka ah ee halkaas lagu laayey, taasi oo ahayd tallaabo aan looga baran.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.