Cuqaasha Waxgaradka iyo Odayaal dhaqmeedka ayaa degmooyinka Danlaheylay iyo Candhuufo ee Gobolkaasi Sitti ka wada Gogol Nabadayn ah oo lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhowaan ku dagaallamay Halkaasi.

Qaar kamid ah oday dhaqmeedka ee Gobolka Sitti ayaa hoggaaminaya Shirka lagu xallinayo Colaadda labada Beelood oo marar kala duwan ku soo noq-noqotay Degaannada galbeedka gobolka Sitti.

Ergooyinka Nabadaynta oo ay weheliyaan Ergooyin ka socda Labada Beelood ayaa haatan ku shirsan Degmooyinka Danlaheylay Iyo Candhufo,  waxaana ay ka arrinsanayaan sidii loo dhammayn lahaa Colaadda labada dhinac.