Wararka naga soo gadhaay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in Ugaas Maxamed Kayse iyo wafti balaaran oo uu hogaamiyay ayaa safar qaaday muddo laba cishaa ku soo maray deenaao badan oo ka wada tirsan Gobolada Qoraxeey iyo Doolo.

Dhamaan deegaanada ay tageen Ugaaska iyo waftigiisa ayaa ahaa kuwo saamayn muuqata ku yeeshay colaadii dhacday, waxaana tuulooyinka la tagnay iyo dhulkii ku wanaagsanaa xoola daaqeenka ee deenaaka u ahaa reer guuraaga uu ahaa mid cidla ah.

Safarka Ugaaska iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa intii ay sii socdeen shacab ay kula kulmeen meelo kala duwan ka helay xogo badan oo gundhig u ahaa xiisadii dhacday.

Santarka Laascaanood oo ay ugaaska iyo watigiisa ku qaateen watigii ugu badnaa safarkooda waxaa ay kula kulmeen shacab ka mid ah dadka deegaanka, Xog badan oo la xariira Tacadigii ka dhacay deegaanka ayay la wadaageen shacabku Ugaaska iyo masuuliyiinta la socotay.

Qaar kamid ah dadkii Ganacsiga ku lahaa tuulada Laasacaaanood oo dib ugu soo laabtay ayaa la kulmay dhacdo naxdin galisay oo ahayd dukaamadoodii oo faaruq ah oo laga rartay hantidii taalay oo ay oga tageen markii ay barakaceen.

Masuuliyiin ka socotay Maamulada Qabridaharre, Haarcad, Shilaabo, Higlo, iyo Wardheer oo booqasho salaan ah ugu timid halkii ay daganaayeen Ugaaska iyo waftigiisa intii ay joogeen Laasacaanood.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.