Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee Xaruunta Gumaysiga Itoobiya, wax yar kaddib markii uu saxiixay Sharciga Batroolka.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 8-da February 3 sano guuradii ka soo wareegatay markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa bilihii u dambeeyay safarada ugu badan ku tagayay magalaada Addis Ababa ee caasimada gumaysiga Itoobiya.

Xilligii uu Ololaha ku jiray Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Madaxdii ka horeysay ku eedeyn jiray safarada badan ee dibadda iyo jidadka xiran ee magaalada, hase ahaatee si taas la mid ah ayuu qaaday dhaqankii uu madaxdii isaga ka horeeyay ku eedeyn jiray.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.