Ugu yeraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dalka Suudaanta Koofureed ka dib markii diyaarad yar oo rakaab ah ay burburtay, taas ka soo duushay garoonka diyaaraha magaalada caasimadda ah ee Jubba kuna sii jeeday magaalada Yirol, sida uu wakaalada warar ee Reuters u sheegay wasiirka warfaafinta wadankaas ee Taban Abel.

22 qof ayaa la socotay diyaaradda burburtay hadda waxaa la la’yahay labo kamid ah rakaabka. Mid kamid ah dadka ka badbaaday shilkaas waa dhakhtar u dhashay wadanka Talyaaniga oo u shaqeynayay urur samafal ah, kaas oo hadda lagu daweynayo isbitaalka magaalada Yirol, sida uu mar kale sheegay wasiirka.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ku dhacday wabi halkaas ku yaala dad goob joogiyaal ah ayaa sheegay in ay arkeen meydadka laga soo saaray biyaha wabiga. Sadex carruur ah ayaa kamid ahaa 22 rakaabka ah ee diyaaradda la socday.

David Subek, oo ah madaxa hey’adda saadaasha hawada dalka Suudaanta Koofureed ayaa xaqiijiyay shilka diyaaradda, hase ahaatee ma sheegin sababta keentay burburka diyaaradda.

Dhowr shil oo sidan oo kale ah ayaa sanadihii u dambeeyay ka dhacayay dalka dagaalada halakeeyeen ee Suudaanta Koofureed, inta badan shilalka diyaaradaha ayaa loo aaneeyaa cimilada wadanka.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.