Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay magaalada Kabul ee caasimada dalka Afqaanistan. Ugu yaraan 60 qof ayaa goobtaas lagu diley 180 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen. Sida laga soo xogtey Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Dad ka badan 1000 qof ayaa goobta ku sugnaa.

Afhayeen u hadley Wasaaradda Arrimaha Gudaha Nusrat Rahimi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in aysan jirin warbixin deg-deg ah oo ay ka soo saarayaan waxa sababay qaraxa.

Ururka Taliban oo caan ku ahaa qaraxyada ka dhaca Kabul ayaa iska fogeeyey masuuliyadda qaraxa.

Dadka qaraxu diley ayaa waxaa u badnaa caruur iyo haween sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka u hadley wasaaradda arrimaha gudaha.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.