Reer Galbeedka ayaa walaac ka muujiyey isbadallada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya, oo ay ku jirto go’aankii Baarlamaanka Federaalka kalsoonida ugala laabtey Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirqool lagu tilmaamay.

War-saxaafadeed si wadajir ah usoo saareen Maanta ayay ku sheegeen in tallaabooyinka uu qaadayo Maamulka Farmaajo wiiqi karaan dadaallada lagu gaarayo isafgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyin waqtigooda ku dhaca, taasoo aan uu muuqan hadda inay Villa Soomaaliya u diyaar-garowday.

Xilka qaadistii Khayre ayay sheegeen inay carqaladeynayso ajandaha dib uu dhiska Soomaaliya, iyadoo ay abuuri karto xasillooni darro dib u celin karta guulihii ilaa iyo hadda la gaaray, ee dhinaca amniga, la dagaalanka Xarakada Al Shabaab iyo barnaamijka deyn cafinta.

Waxay ugu baaqeen Madaxda Soomaaliya inay sameeyaan wadatashiyo ballaaran, si loo gaaro heshiis sal ballaaran oo ku saabsan hanaanka doorashada 2020-2021.

Tani waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay gaareen hoggaamiyaasha Dowlada Federalka iyo mamuul gobolleedyada ee Dhusmareb 22kii Luulyo, taasoo ah tallaabo muhiim u ah yoolka la hiigsanayo.

Saaxiibada caalamiga ah waxay sheegeen inay filayaan in madaxda ay ixtiraamaan heshiisyadii la gaarey iyo in la qabto shir-weyne ay isagu imaanayaan hoggaanka Dawladda, Baarlamaanka, Maamullada, xisbiyada siyaasadeed iyo Bulshada Rayidka ah, si loo gaaro go’aan kama dambeys ah oo dalka looga bixinayo marxladda kala-guurka.

Villa Soomaaliya ayaa looga digay inay isku koobto go’aan ka gaarista doorashada, taasoo noqon doonta mid sharci-darro ah, oo aan la dhaqan gelin karin, haddii aan laga helin taageerada lagama maarmaanka ah dhinacyada kale.

Wakiiladda Reer Galbeedka u fadhiya Muqdisho waxay sheegeen inay si dhow ula socon doonaan tallaabo kasta oo Dawladda qaadeyso, kadib xilka qaadistii Kheyre taasoo dhalisay shaki iyo walaac ku aadan in Farmaajo uu rabo xukunka inuu dheeraysto, isagoo baal-maraya sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla.

Halgan Media.