Sida aan xogta ku helnay, kulan qarsoodi ah ayaa xalay ka dhacay hoyga uu magalaada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Mahamud iyo agaasimaha hayada nabad sugida iyo sirdoonka Fahad Yasin.
Xog hoose ay heshay Halgan Media ayaa sheegeysa in uu Fahad Yasin isku deeyey inuu ku qanciyo Xassan Sheekh qorsho ku aadan in mucaaradka la siyo Ra’isal wasaarha si mudda kororsi loogu sameeyo Farmaajo.
Fahad Yasin oo ah gacanta midiga Farmaajo, ahna ninka ugu awooda badan dalka ayaa wada dadaalo badan uu donayo in uu ku hirgaliyo mudda kororsiga uu qorsheynayo madaxweyne Farmaajoin uu helo.
Xukuumada ka taliso Villa Soomaaliya uu gar wadeyn ka yahay Fahad Yasin ayaa cadadis xoogan saaran, madaama ay doorashada dhow dahay, iyadoona weli lamagacaabin Ra’iisal wasaare, iyadoo intaana dheertahay eedemaha loso jedinayo in ay kamid tahay in aysan udiyaarsanen doorashada la filayo in dalka ka dhaco.
Halgan Media.