Wararka nagasoo gaadhaya dalka deriska ee Oromia ayaa sheegaya boqool ruux oo Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran yihiin saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Guji ee mamuulka Oromia, halkaa oo ay gabaad ka dhigteen.

Qaar ka mid ah haweenka Soomaalida ah ee ku xayiran saldhiggan ayaa la sheegay in ay halkaa ku umuleen iyaga oo aan halin wax daryeel ah.

Qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan heysin meel kale oo ay u ciirsadaan, islamarkaana haddii ay dibeda uga baxaan xerada ay dili doonaan maleeyshiyaadka iyo ciidanka soo jeeda maamulka Oromia.

Xerada ay ku jiraan ayeey ku sheegeen in ay ka jirto dhibaato caafimaad darro oo aad u weyn, iyadoo dadka halkaa gabaadka ka dhiganaya isugu jiraan ,Carruur, Haween iyo waayeel intaba.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.