Wararka laga helayo gobolka Faafan ee dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in Maleeyshiyad badan katirsan kooxda Liyuu Booliska lagu soo daabulay Degmada Tuliguuleed iyo tuuloyinka hoos taaga.

Sida ay kusoo waramayaan goob-jooge yaal ku sugan degmada Tuliguuleed oo xidhiidh lasoo sameeyay Halgan Media ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska oo aad u tiro badan lagu soo daabulay gudaha degaanka Tuliguuleed iyo tuuloyinka u dhow.

Liyuu Booliska ayaa amar lagu siiyey inay hubka ka guraan shacabka Soomaaliyeed oo marwalba xasuuq kala kulma maleeshiyaadka Oromada, waxaana laga cabsi qaba in weeraro cusub Oromada kusoo qaado, hadi hubka laga dhigo shacabka Soomaaliyeed ku dhaqaan Degmada Tuliguuleed.

Kooxda Liyuu Booliska ayaa dhibatooyin baahsan ku haya shacabka Soomaalida Ogadenya oo si dhibyar u xalaalaysta dhiiga shacabka aan waxba galabsanin. Talaabadan ayaa u muuqatay in ay kamid tahay cadaadis iyo cabudhin cusub oo shacabka Soomaaliyeed lala damacsan yahay.

Halgan Media.