Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi qaasim Salaad ee ku taalla degmada Hodan.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lalal eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, xili ay socdaal ku marayeen agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaar ka mida askartii la socotay Gaariga la qarxiyey ay ku dhinteen, qaarna ay ku dhawacmeen.

Wixii ku soo kordho kala soco Halgan Media.