Wararka nagasoo gadhay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale, qaybta Ogadenia ay maamusho, ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey maleeyshiyaadka Liyuu Boliska inay xalay toogasho ku dhaawaceen.

Wuxuu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu Boliska “inay qaataan gaari dabdamis ah oo magaaladu lahayd”. Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaaray, oo xabbaddu ay hilibka dhex martay, xaaladiisuna ay fiican tahay.

Dhinaca kalena, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Balli-Gubadle ee Jamhuuriyada Soomaliya gar ahaan gobolka Waqooyi Galbeed, Yaasiin Maxamed Shide, maamulkiisu wuxuu ilaalo u diray seddex meel udhaw xadka Ogadenia iyo Waqooyiga Soomaaliya oo ay fariisimo ku lahaayen maleeyshiyaadka Liyuu Boliska.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.