Maleeyshiyaadka TPLF ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa oo la doonaayay in lasoo galiyo caasimada gobolka Tigreega ee Maqaale.
Waxa ay sheegeen maleeyshiyaadka Tigreega in qaar ka mid ah dadka degaanka ay soo sheegeen in qaraxyo hub loo soo waddo Caasimadda gobolka Tigreedda. Tirada walxaha qarxa ee la qabtay waxaa ay gaareysaa 425 xabbo oo qaraxyo ah,kuwaas oo uu culeyskooda gaarayo 75KG.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska ee gobolka Tigreega ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen Ciidamada Booliska Federaalka ee Itoobiya, dadkii watay hubkaasi, islamarkaana hadda lagu waddo Baaritaano. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media