Qaar ka mid ah ganacsatadii dhawaan lagu boobay degaanka Soweto ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaadis ku saarto xukuumadda Koonfur Afrika sidii ay wax uga qaban laheyd dhaca iyo burburinta loo geysanayo ganacsigooda.

Rabshadan ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii ganacsatada Soomaaliyeed ay dil u geysteen nin burcad ah oo isku dayay inuu dhac u geysto goobo ganacsi oo ay lahaayeen.

Soweto waxaa ka qaxay dhammaan Soomaalidii ganacsiga ku laheyd intooda badan waxay u carareen magalooyinka waa weyn ee Koonfur Afrika ilaa xiisada taagan looga helo xal waara oo ganacsigooda dib u soo celiya.

Ibraahim Aadan Madkuus oo ka mid ah ganbacsatada la boobay oo la hadlay VOA-da ayaa hantida Soomaalida laga boobay ku qiyaasay Boqolaal Kun oo Dollar, wuxuuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay in arrintan wax laga qabto.

Soweto oo ah meel ay ku badan yihiin dadka cadaanka ah ayaa dadka waxa ay dhaca Soomaalida loo geystay ku sababeeyeen inay iibinayeen badeeco dhacday, laakiin ganacsatada Soomaalida ayaa beeniyey eedeymahaasi.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in ilaa 15 ruux loo soo xiray eedo la xiriira boobka iyo dilka loo geystay ajaanibta goobaha ganacsi ku leh Koonfur Afrika oo Soomaalida ay ku jiraan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.