Qaar ka mid mudanayaasha Baarlamaanka dalka Kenya ayaa markale dowladda ugu baaqay in si deg deg ah Ciidamadooda looga soo saaro gudaha Somalia.

Guddigga difaaca iyo arimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa waxaa maanta hortagaya wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Fred Matiangi oo wax laga weydiinayo ka soo bixitaanka Ciidamada Kenya eek u sugan Somalia.

Cumar Maxamed Maalin oo ah Mudane laga soo doortay bariga magaalada Mandera ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ka gaabineyso qorshaha Ciidamada Kenya looga soo saarayo Somalia.

Mr Maalin ayaa xusay in joogitaanka Ciidamada Kenya ee Somalia ay halis weyn ku tahay amniga Kenya halkaasoo weeraro xoogan ay ku qaadaan Al Shabaab.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab waxaa weeraro khasaarooyin dhaliyay ay ka geystaan gudaha Kenya , gaar ahaan gobolada Xeebta iyo Waqooyi Bari.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada milateriga dalkaasi laga soo saari doono Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.