Magalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka qabsoomay shir deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Amniga Jubbaland kaas oo intiisa badan looga hadlay xaalada amni ee deegaanada Maamulkaas.

Kulanka waxaa Shir guddoomiyey gudoomiyay Madaxweyne ku xigeenka 1,aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan,iyada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Amniga Maamulka Jubbaland.

Intii uu socday kulanka ayaa marka hore waxaa lagu sheegay inay Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland mudan yihiin amaan,kadib markii howlgallo ay sameeyeen ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ay maamulayeen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.