Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khudbad ka jeediyay shirka Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynahu ugu horayn wuxuu Dowlada iyo Shacabka ree Puntland uga mahad celiyay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee ay u sameeyeen dhamaan Hogaamiyayaasha kasoo qaybagalay shirkan iyo martida kale isagoo xusay in ay tahay wax lagu daydo oo ka turjumaya dhaqanka Soomaalida.

Madaxweynahu wuxuu ku dheeraaday sida uu usii xumaanayo amniga wadanka iyo gaar ahaan in la gabay masuuliyadii ka saarayd Dowlada Federaalka ah hogaaminta dagaalka ka dhanka ah Argagixisada isagoo cadeeyay in uu qabo tuhun ah in Al-Shabaab ay Dowladu kula jirto gorgortan taas oo meesha ka saartay howlgaladii dalka lagaga xorayn lahaa.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in amnigu uu yahay ahmiyad gaar ah oo ay ahayd in laga wada shaqeeyo hadii la waayo taasna aysan xaalada wadanku horay u socon karin wuxuu sheegay in Dowladu ay xiita sugi ladahay amniga wadada makka Almukkarama taas oo xiita la kala xidh xidhay oo shacabku ay dhib badan ku qabaan isagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay in howlahaas dib loo eegi doono isla markaasna madashu ay go’aan kasoo saari doonto xaalada amaanka wadanka.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhamaan heshiisyadii la galay aysan waxba ka fulin qaarkoodna ay Dowlada Federaalka ah isbadal ku samaysay kuwaas oo kala ahaa heshiiyada qaybsiga khayraadka amniga iyo Doorashooyinka.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.