Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dilkii Jamaal uu ahaa mid la sii qorsheeyay sida uu sheegay dacwad oogaha dalka Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga ayaa markale shaacisay in macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dilka Jamaal, waxaana dowladda ay sheegtay in dilkaasi ay jireen dad qorsheeyay.

Macluumaadkan ayaa ka yimid guddi wada jir ah oo Turki iyo Sacuudiyaan ka kooban, sida ay ku warrantay warbaahinta Ekhbariya. Waxay sidoo kale sheegeen in dacwad oogeyaashu ay su’aalo waydiiyeen dadka laga shakisan yahay iyaga oo baaritaan labo geesood ah samaynaya.

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii hore diiday in ay wax ka ogtahay meesha uu ku dambeeyay saxafiga oo la waayay 2 bishan Oktoobar laakiin ugu dambeyntii waxa ay sheegtay in lagu dhex dilay Gudaha Qunsuliyadda ka dib dagaal kooban oo ka dhacay Gudaha Qunsuliyadda.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.