Taliye kuxigeenkii hore ee Sirdoonka Itoobiya Yared Zerihun ayaa xabsiga loo taxaabay, kaddib markii lagu soo eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada, intii uu xilka hayay.

Yared Zerihun ayaa la qabtay, isagoo baxsad u ahaa magaalo 30KM koofur kaga beegan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Itoobiya Generaal Berhanu Tsegaye ayaa xaqiijiyay xariga Taliye kuxigeenkii hore Sirdoonka Itoobiya ee NISS oo sidoo kale soo noqday Taliyaha Booliska Federaalka, isagoo xilkaas hayay muddo saddex bilood.

Ma aanu bixin faah faahin, balse waxaa tallaabadan daba socotaa xarig taxane aha oo maalmihii u dambeeyay lagu hayay saraakiishii ammaanka ka shaqeyn jirtay oo loo heystay eedo la xiriira musuq maasuq iyo xadgudub dhanka bani’aadanimada.

Isniintii la soo dhaafay ayaa Xaaska Kuxigeenkii hore Sirdoonka Itoobiya xabsiga loo taxaabay, kaddib markii lagu eedeeyay inay isku dayday inay qariso seygeeda.

Ciidamada ammaanka ayaa weli sii wada xariga saraakiishii iyo mas’uuliyiintii ku lug laheyd musuq maasuq iyo xadgudubyada ka dhanka ah bani’aadanimada.

Arbacadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxii hore ee Warshada Farsamada Hubka Gen. Kinfe Dagnew, kaasoo loo soo duuliyay magaalada Addis Ababa, isagoo gacmaha ka katiinadeysan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.