Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya in Dagaal gacan kahadal ah oo dhexmaray laba arday. Mid Somali iyo kan kale Oromo. Ariintan ayaa markii danbe isubadashay iskudhac ardayda labada qoomiyadood,

Waxaajira kooxo iyo shaqsiyaad raba inay xaalad amnidaro ka abuuraan jaamacada jigjiga, waxaana muuqata in arintani laxidhiidho qalalaasaha lagawado dhamaan jaamacadaha dalka,

Masuuliyiinta Xafiiska Nabadgaliyada ee mamuulka Jigjiga ayaa noo cadeeyay inuusanjirin wax khasaare nafeed ama mid maal ah oo jaamacada kadhacay,dhankakale waxaa xabsiga lootaxaabay labadii arday ee rabshadu kabilaabatay waxaana socda baadhitaano iyo hawlgal amaanka ardayda lagusugayo,

Ma’aha jaamacadii ugu horaysay ee rabshado noocan oo kale ah ka dhacaan ee waa arin baryahan dambaba si isdaba joog ah uga dhacayay jaamacadaha.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.