Waxaa maalinkii shalay gaadhay Tuulada Vasi ee Degmada Gule Makhada oo masaafo yar ujirta magaalada Salambasa gadiidka Qalabka culus ee milatariga qaada oo loogu talo galay inay soo daabulaan Qoryaha waawayn, iyo qalabka difaaca ee culculus ee jiidaasi yaalay,

Hadaba shacabka kudhaqan tuulada Vasi ayaa hor istaagay gaadiidkii ciidanka ee qalabkan culus qaadi lahaa waxayna shacabka halkaas kudhaqan sheegeen inayna cidana ogaysiinin oo aan lagala tashan raritaanka hubkan culus ee difaaca xuduudka loogu talo galay, shacabka ayaa ku andacooday in xaalada amni ee Eritrea iyo itoobiya aysan ahayn mid laisku halaynkaro sidaa daraadeedna aysan sax ahayn in hubkan laqaado iyadoon shacabka wax kalsooni ah lasiinin lagalana tashanin,

Saraakiisha ciidanka milatariga ee aagaasi ayaa kagaraabay suaasha cashabku usoo jeediyeen waxayna joojiyeen raritaankii hubka culculus iyagoo shacabka kubalamay inay maanta kulmaan oo ay arimahan kawada xaajoodaan,

Sargaal sare oo katirsan ciidan milatariga ayaa sheegay inay muhiimtahay dhagaysiga tabashada shacabka Tigray wuxuuna yidhi suuragal maaha inaan isdiidsiino iyada oo aysan shacabku kalsooni qabin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.