Wararka laga helayo Ogadenia gar ahaan gobolka Nogob ayaa ku warramaya in xiisad xoogan laga dareemayo gudaha tuulada Qarbi-Jaabo oo udhow degmada Dhuxuun.

ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Halgan Media u sheegay in Xiisad dagaal u dhexeysa laba Maleeshiyo Beleed ayaa maanta ay ka taagan tuulada Qarbi-Jaabo oo udhow degmada Dhuxuun ee gobolka Nogob.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaad fara badan ay buux dhaafiyeen gudaha tuulada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadan ay salka ku heyso isku dhacyo ka qarxay tuulada laba isha ka hor oo dhex maray laba Beelo kudhaqaan tuulada siidi ay sheegan ilo wareedyo oo Lagu kalsoon yahaay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.