Dowladda Mareykanka ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u shaacisay tirada duqeymaha ay diyaaradaheeda ka geysteen gudaha Soomaaliya 8 bilood ee la soo dhaafay.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka u qaabilsan Africa ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa lagu sheegay in in diyaaradahooda ay Soomaaliya ka fuliyeen 46 duqeyn oo qaarkood lala beegsaday xarumo ay ku suganyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in intii u dhaxeysay 1 ilaa 20 bishaan duqeyn dhanka cirka ah lala beegsaday xarumo muhiim ah ay ku sugnaayeen dagaal yahanno ka tirsan kooxda Shabaab ee dagaalka kula jirto dowladda Soomaaliya.

Taliska masheegin khasaaraha ka dhashay duqeymaha ay fuliyeen, iyo sidoo kale wax yeelada ka soo gaartay dadka shacabka ah ee ka agdhow halka weerarada cirka ah laga fuliyay.

Mareykanka oo ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka saacido dhinaca tabarada iyo howlgalkada ciidamada xoogga, waxaana duqeymaha taliska Mareykanka uu fuliyo ay waxyeelo ka soo gaartaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan.