Wafti uu horkacayo guddoomiyaha Jabhada Xraynta Ogadenya (JWXO) Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa maanta (19/02/2019) la kulmay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, kaasoo si wayn u soo dhaweeyay waftiga JWXO, isla markaana sheegay inuu si wayn ugu faraxsan yahay in JWXO ay diyaar u tahay sidii dadka Soomaalida ah ay xaqooda ugu raadsan lahaayeen si nabadgaliyo ah, deegaanka Soomaalidana loogu soo dabaali lahaa nabad, xasillooni, dimuqraadiyad iyo horumar ay bulshadu u aydo.

Ra’iisal wasaaruhu wuxuu tilmaamay in xukuumadiisu ay ka shaqaynayso sidii cadaalad iyo dimuqraadiyad looga hirgalin lahaa guud ahaan Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Soomaalida oo ka mid ah meelaha dib u-dhaca ugu badan ka jiro, uuna ku rajowayn yahay in JWXO ay kaalin firinfircoon ka qaadato abuuridda ismaamul dimuqraadi ah oo fuliya danaha dadkooda.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in xukuumadiisu ay ku dadaali doonto sidii fursado dheeri ah loogu abuuri lahaa qowmiyada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee la midka ah ee beryihii hore la gacan-bidixayn jiray. Wuxuu kaloo ka hadlay xoojinta iyo horumarinta iskaashiga iyo wax wadaqabsiga ka dhexeeya bulshooyinka ku dhaqan gobolka Geeska Afrika. Raysul Wasaaruhu wuxuu kaloo ballanqaaday inuu gacan buuxda siin doono JWXO, si ay barnaamijyadeeda u fushato.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa lagu qaadaa-dhigay arrimo la xidhiidha dhammaystirka heshiiskii dhex-maray Itoobiya iyo JWXO.

Waxaa kaloo lagaga wadahadlay duudsiga lagu hayo qowmiyada Soomaaliyeed iyo sida aan mar kasta loogala tashanin tallaabooyinka saamaynta ku leh mustaqbalkooda ee dowlada federaalku qaadayso. Waxaa si gaar ah looga wada xaajooday arrimaha taagan ee sida gaarka ah u khuseeya qowmiyada Soomaaliyeed.

Labada dhinac waxay sidoo kale ka wadahadleen mustaqbalka gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay JWXO ka qaadan karto.

Arrimihii laga wadahadlay waxay ku dhamaadeen is afgarad, waxaana lagu heshiiyay in mustaqbalka dhaw la yeesho kulamo kuwan oo kale ah. Inta ka horraysana ay hawsha sii wadaan masuliyiin ka kooban JWXO iyo dowlada federaalka ah.

War bixin Dheeri ah sawirada iyo Muuqaalada shirka dib ayaan idin kala socod siin doonaa Inshaa Allah.

Xigasho : Ogaden News Agency