Wararka nagasoo gadhaay gobolka Doolo ayaa sheegaya in Abaaro xoogan kasocdo gobolka oo sameeyen weyn kuyeladaay bulshada kudhaqaan gobolkaasi.

Dadka rafaadsan waxay u badan yihiin xoolo dhaqato soo hayaamay oo biyo la’aanta iyo cunna yarida ay saameysay. Deegaanada katirsan gobolka Doolo ayaaa dad badan ka barakacayaan, waxayna u qaxayaan magaalooyiinka iyo meelaha biyaha ka agdhow.

Sidoo kale waxaa jiray dad gabi ahaanba ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen. Bilooyinkii ee ugu dambeysay gobolka Doolo wax roobab ah ma helin,waxaana dadka deegaanka ay ku baaqayaan si dhaqso ah in loola soo gaaro gurmad lugu badbaadinayo dadka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.