Wararka nagasoo gaadhaya degmada Hadhagaala oo katirsan gobolka Shiniile ee dalka Ogadenia ayaa sheegaya xidhitaan baahsan oo ay shacabka kuhayaan ciidanka gumeysiga itoobiya iyo canaasirta ushaqaysa.

Sida ay wararku nagasoo gaadhayan waxaa caawa fiid kii guryaha lagala baxay dhawr kamida dhalinta degaanka, waxaana magaciisa helay Cabdiqadir Jaamac Guuled oo kumagacdheer “Booska”

Sidoo kale dhalin kale ayaa iyana xidhay iyo tacdiyo loogaystay waxaana guud ahaanba gobolka Shiniile kasocda hawl gal ay samaynayan ciidanka gumeysiga itoobiya kaas oo ay kubeegsanayan waxgaradka iyo dhalinta diidan gumeysiga.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.