Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu manta ka dhacay qeybo ka mid ah magalaada Wardheer ee xaruunta gobolka Doolo.

Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan magaaladaasi, kuwaas oo eedeymo u jeedinayay Mamuulka Mustafa Cagjar.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Hogaamiyah Fashilmay Mustafa Cagjar.

Qaar ka mid dadka degaanka ka qeyb galay Dibadbaxaasi oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in Mustafa Cagjar uu dhibaato ku hayo shacabka gobolka Doolo.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa intaasi ku daray in Mustafa Cagjar cid gaar ah uu ugu adeegayo danaha maamulkaasi.

Banaanbaxyo ballaaran ayaa indhawaanahan ka socday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Doolo ee bariga Ogadenia.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.