Inkastoo jabka ku dhacay umadda Somaliyeed uu hadheeyay xuska 1da Luulyo, inkastoo cadawga umadda Somaliyeed uu ku talagalay in 1da Luulyo loo ekeysiiyo maalin u gaar ah qayb ka mid ah umadda Somaliyeed, hadana 1da Luulyo waxay ahayd biyadhicii taariikh dheer oo umadda Somaliyeed ay ku soo ceshadeen Xoriyadoodii. Qofkasta oo Somali ah 1da Luulyo waa maalintiisii. Waa qayb ka mid ah taariikhda umadiisa.

Taariikhda Gobanimadda Somaliya ee loo dabaadagayo 1da Luulyo waxay bilaabatay maalintii uu Sayid Maxamed ka soo degey doonidii uu lasocday ee ingiriisku ay weydiiyeen in uu bixiyo canshuur, uuna ugu jawaabay askarigii Ingriiska ahaa: “Adiga yaa canshuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo degtay?”

Maalintaa ayuu Sayid Maxamad Cabdille Xasan go’aansaday inuu halgan xoriyadeed bilaabo. Waxaa intaa dheer inuu arkay Sayidku caruur Somaliyeed oo agoon ahaan ay kaniisadaha meel ku hayaan oo markuu su’aalay –Yaa tihiin? Ugu jawaabay inay u sheegtaan baadaraiga Kaniisadda. Waxaa halkaa ugu cadaatay inay jirto hadaf diini ah oo Ingriiska iyo Talyaaniga ay ka wadaan Somaliya. Ka dib wuxuu ugu baaqay umadda Somaliyeed Halgan hubaysan oo socday 23 sano, oo ku soo afjarmay in dayaarado  lagula dagaalamo markii ugu horeysay taariikhda Afrika oo dayaarado lagula dagaalamo.

Sayid Maxamad Cabdille Xassan wuxuu mideeyay umadda Somaliyeed oo yeelatay dareen Qarnimo iyo inay leeyihiin Cadaw mid ah. Sidaa daraadeed waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay (Father of Somali nationalism) Aabaha Qaranimada Somaliyeed.

Waxaa ku xigay 20 sano ka dib Ururkii Dhalinyrada SYL oo la asaasay 1943, oo noqday xisbi u dooda Xoriyadda Umadda Somaliyeed kuna guulaystay halgan siyaasi ah oo muddo dheer socday. Rukunadda Taariikhda xisbiga SYL waxaa ka mid ah banaabixii balaadhnaa ee ee loo yaqaano –Dhagax Tuur- oo 1948 ka dhacay Muqdisho. Banaanbaxaa waxaa ku dhimatay gabadha Somaliyeed ee loo aqoonsaday inay tahay Shaqsi u taagan Wadajirka Somaliyeed (Pan Somali Symbol) Xaawa taako.

Labadaa Halyay een kor ku soo xusnay – Sayid Maxamad Cabdille Xassan iyo Xaawa Cismaan taako – waxay muujinayaan midnimada Umadda Somaliyeed oo Gumaysiga Itobiya uu ku dadaalayo inuu baabi’yo isagoo adeegsanaya waxmagarad aan lahayn aqoon ku filan oy ku kala soocaan farqiga u dhexeeya Qabiilka iyo Qaranimada.

Ugu dambayn, waxay bahda Halgan Media ugu hambalyay-naynaa maalinta Gobanimada iyo Midnimada ee 1da Luulyo umadda Somaliyeed meel ay joogaanba, waxayna ugu baaqaysaa inay fahmaan sharafta ay leedahay Qaranimada iyo Midnimada.

Halgan Media