Wararka ka imaanaya tuulada Dhurwaayaale oo hoostaga degmada Galaadi ee gobolka Doolo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto Biyo La’aan baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.
Mid kamid ah dadka ku dhaqan tuulada Dhurwaayaale oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in xaaladda ay kasoo dari doonto haddii aaney dadkaasi helin wax gurmad ah.
Sidoo kale dadka degaanka ayaa sheegay in dadka reer Dhurwaayaale ay ku jiran dhibaato xoogan iyo dadka u bahan yihiin gar gaar deg deg ah, islamarkaana aysan heysan Biyo ay cabaan.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mamuulka gobolka Doolo ama taliska Mustafa Cagjar oo ku aadan Biyo la’aanta ka jirto tuulada Dhurwaayaale.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.