Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta ka hadashay ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Swan waxa uu mar kale ku celiyey in loo baahan in hannaan keliya oo heshiis lagu wada yahay lagu galo doorashada Jubaland, waxaana uu ka digay qalalaase dhacay.

James Swan waxa uu ugu baaqay dhinacyada Kismaayo in si kasta oo ay ahaato natiijada doorashada berri ee Jubbaland, in looga baahan yahay inay ka fogaadaan gacan ka hadal isla markaana khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal.

Dhinaca kale, waxaa shirkaasi kadib arrimaha Soomaaliya kalala hadlay saxaafadda Xiriiriyaaha Arrimaha SIyaasadda ee Biritan Stephen Hickey.

“Ugu horrayn doorashooyinka Jubbaland ee dhacaya waa muhiim inay ku dhacaan amni, nabadgelyo iyo daah furnaan. Waxaa taasi xigta doorashada 2020-ka, waxaana loo baahan yahay bartilmaameedyo ay tahay inay dawladdu hanato ka hor doorashada, waxaa kale oo aan diiradda saaraynaa amniga xilliga kala-guurka ah si ciidamada Soomaalida ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan ciiddamada AMISOM ee haatan ku sugan waddanka.”

Maalinta ayay dhacaysaa doorashada hoggaanka Jubbaland iyadoo laga cabsiq abo inay kasoo baxaan mamaullo is-garab ordaya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.