Madaxa ugu sareeya ee Jabhadda Oromo Liberation Army (OLA) oo ah Kumsa Diriba ku magac dheer Jaal Maro ayaa Beeniyay inuu jiro wax wada shaqayn ah ama xariir u dhaxeeya ayaga iyo Taliskii hore ee TPLF

Jabhadda OLA waa garabka ka Go’ay Jabhadda Oromo Liberation Front (OLF) oo Hoggaaminayo Dawuud Ibsa, waana qaybta weli ku jirto duurka oo la dagaalamayo dowladda Itoobiya.

Jaal Maro ayaa wareysi uu isiiyay idaacadda BBC- ee laanta Afamxaariga, wuxuu ku sheegay inuusan jirin wax xariir ah oo u dhaxeeyo OLA iyo TPLF, wuxuuna kusii daray inay OLA dagaalka sii wadayaan ilaa ay xoriyad u helaan shacabka Oromada sida uu warka u dhigay.

Sanad iyo barkii u dambeysay Jabhadda OLA ayaa dagaal kafool kafool ah kula jirtay dowladda Itoobiya, waxayna u muuqataa inuu dagaal joogsan doonin, waayo haddii hoggaamiyaha OLA ayaa mowqifkiisa cadeeyay markii uu wareysiga siiyey idaacadda BBC ee laanta Amxaarada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.