Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Maleeyshiyaadka Canfaarta iyo kuwa Ciidamada Ismaamulka Canfaarta  oo isku dhinac ah iyo shacabka Soomaaliyeed, kaas oo maanta ka dhacay duleedka degmada Danlaheylay ee gobolka Sitti.

Dagaalka ayaa yimid markii ay Canfaarta weerar saf ballaaran ah ku qaaday tuuloyin qiyaastii 20 kilometer u jira degmada Danlaheylay, waxaana weerarka ku dhawaacmay labo qof oo Somali ah siidi ee sheegen dadka degaanka.

Dadka kuwa dhawaacmay weerarka waxaay kala yihiin Xussen Maydhane iyo Cismaan Galab Gadiid.

Illaa iyo haatana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka gobolka Sitti oo ku aadan dagaalladaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.