Mareykanka ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey duqeyn dhinaca Cirka ah oo uu la beegsadey Saldhigyo Xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntaas laga fuliyey agagaarka degmada Jilib,isla markaana lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab sidoo kale waxaa Qoraalka Africom lagu sheegay in duqeyntaas qiimeyn ay sameeyeen aan wax khasaaro ah lagu gaarsiin dad Shacab ah balse lagu bur buriyey Saldhigyo ay lahaayeen Xarakada Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Koonfurta iyo Bartaamaha Soomaaliya ,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al Shabaab ku leyihiin dalka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.