Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya waxay sheegtay in dad ajaanib ah lagu weeraray gudaha dalkaas kaddib markii lagu eedeeyay inay qabaan cudurka Coronavirus.

“Wararka waxay sheegayaan in dad ajaaniib ah lagu weeraray dhagxaan, loona diiday inay ku safraan gaadiidka dadweynaha, xitta qar kamid candhuf lagu tufay isla markaana la ceersaday xilli looga shakiyay inay qabeen cudurka Coronavirus” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda.

Safaaradda waxay sheegtay in dhibaatooyinka ay bilowdeen markii kiiskii labaad ee cudurka Coronavirus laga xaqiijiyay gudaha Itoobiya.

Itoobiya waxay xaqiijisay kiiskii lixaad ee ku saabsan cudurka Coronavirus.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.