Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in mar kale weerar lagu qaaday ciidamada Itoobiya oo kusugnaa gobolkaasi.

Sida aan xogta ku helnay, xalay ayey ciidamada Itoobiya Kolonyo meel qiyaasti 20 kilometer u jirto degmada Luuq, kadibna laba qarax oo is xig xigto ayaa lala eegtay ciidamada Itoobiya.

Ilo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in qasaaraha gaadhay Ciidamada Itoobiya oo isugu jiro dhimasho iyo dhawaac uu gaarayo in ka badan 20.

Saraakiisha Itoobiya weli kama hadlin weerarka xalay ka dhacay gobolka Gedo, sidoo kale cidina ma sheegin masuuliyada weerarka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.