Dhalinyaro boqolaal lagu qiyaasay ayaa shalay dibadbax ka sameeyeen afaafka hore ee xarunta NISA, ee Muqdisho maanta oo Talaado ah.

Waxay dhalinyarada ka cabanayeen musuq-maasuq lagu sameeyay, kadib markii looga baxaya balan-qaad loo samayeen, oo ku saabsan in la shaqaaleysiinayo.

Dhalinyarada oo rabey inay NISA ku biiraan, ayaa u sheegay warbaahinta in xalay looga wacay xarunta NISA tagaan 10-saac oo habeenimo, iyagoo boqolaal ah balse markii ay tageenna laga xushay 20 qof kaliya, intii kalena lasoo eryay.

Waxay sheegeen in qaab ku saleysan qabiil loo shaqaaleysiiyo dhalinyarada ku biiraysa Sirdoonka Soomaaliya, waxaana hay’addan mudo dhowr sano ah wahaysay eedeymo ku saabsan inay kusoo bateen xubno xiriir la leh Al Shabaab.

Halgan Media.