Warar laga helayo magaalada Addis Ababa ee Xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in la xiray Wasiirka Gaashaandhiga Lemme Megersa, kadib markii khilaaf xoogan ka dhex qarxay RW Abiy Ahmed iyo Wasiirka Gaashandhiga.

Sida la wada ogyahay, asbuucii u dambeyay rabshado iyo kacdoono ayaa ka socday dalka Itoobiya, taas oo sababtay dhimashada in ka badan 200 oo qof oo badan dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegay inuu khilaafka ku salaysan yahay sidii ay dowladda ay u xakamayni laheed kacdoonka looga soo horjeedo dowladda. Waxaana la sheegay inuu wasiirka gaashaandhiga Lemma Megersa ka biyo diiday amaro culus ka yimid RW Abiy Ahmed.

Taas waxay keentay in RW Abiy Ahmed xidho Wasiirka gaashaandhiga, kadibna Xabsiga u taxaabay, walow ay wararka qaar ay sheegayaan in lagu haayo Xabsi guri.

Halgan Media.