Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah Saraakiisha ONLF.

Kulanka ayaa waxa ay uga hadleen arrimo dhowr ah sigaar ah isbedelada Siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay Ogadenia iyo sida ugu wanaagsan ee Jabhada ONLF uga qeyb qaadan karto xoojinta Nabada ka jirta Ogadenia.

Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa mudo ku dhow Sanad waxa uu ku xirnaa Magalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kadib markii mamuul kusheega Farmaajo ay u gacan geeliysay cadowga itoobiya balse markii dambe Cafis uu u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed lagu soo daayey.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.