Golaha Degaanka ee Magaalda Minneapolis ayaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ugu baaqay in uu xaliyo dagaallada ka dhex taagan Soomaalida iyo Oromadda.

Abiy Axmed ayaa lagu waddaa in uu taggo dalka Mareykanka 30ka bishan July gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Golaha Degaanka ee Magaalda Minneapolis ayaa sidoo kale ugu baaqay Abiy Axmed in uu taggo goobta uu dagaalku ka socdo ka hor inta uusan imaan Mareykanka.

War kasoo baxay Golaha degaanka waxaa saxiixnaa Duqa magaalada Jacob Frey, ayaa waxa uu ugu baaqay gumeysiga itoobiya ee uu hogaamiyo Dr. Abiy Axmed inay joojiso colaadda u dhaxaysaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Siddoo kalena ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka labada qowmiyadood oo dhawaanahaan ay dagaallo ku dhexmarayeen degaanno ka tirsan Ogadenia iyo Oromia.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.