Dagaalyahano hubeysan kana tirsan ururka Al Shabaab ayaa xalay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadeen duleedka degaanka Diinsoor ee gobolka Bay.

Xubno katirsan Mamuulka degmada Diinsoor oo la hadlay Halgan Media nagana codsaday inan magacyadooda sheegin ayaa inoo sheegay inay maleeyshiyaadka Al Shabaab xalay ku hareersanayen degaanka Diinsoor, taas oo cabsi badan gelisay dadka degaanka.

2012kii ayey aheed markii ciidamada Dowlada Soomaaliya ay degaanka Diinsoor ka saareen ururka hubeysan ee Al Shabaab, balse 8 sano kadib wali waxa go’doonsan deeganka Diinsoor iyo deeganada ku hareeresan, waxana ku hareeraysan Al Shabaab.

Gobolka Bay oo Ku yaalo Koonfurta Soomaaliya ayaa kamid ah melaha dalka ay aadka ugu xoogan yihiin ururka Al Shabaab oo kamid ah ururada argagxiisada ee calaamka laga yaqaano waxeyna ka howl galaan deegano kamida somaliya.

Halgan Media.