Wararka nagaa soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay qarax uu ka dhacay qayba kamid ah magalaadaasi.

Ilo amniga katirsan ayaa Halgan Media u xaqijiyay in Miino lagu aasay goob ay ku sugnayeen ciidamada KGS, ay kula kacay ciidamada, waxaana qaraxa ku dhawaacmay labo Askari.

Mid kamid ah labada Askari ee Ku dhaawacantay qaraxa ayaa la sheegay inuu aad uliito. Qaraxa ayaa ka dhacay xafaada Aratuurka, Mana jirto wali cid sheegatay masuuliyada Qaraxa.

Halgan Media.