Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu manta ka dhacay qeybo ka mid ah magalaada Hawassa ee Xaruunta Ismaamulka Shucuubta Koonfureed.

Kumanaan dadweyne Qomiyada Sidama ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan magaaladaasi, kuwaas oo eedeymo u jeedinayay Ismaamulka Shucuubta Koomfureed iyo xisbiga SEPDM.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Ismaamulka Shuccubta Koonfureed. Ariintan wuxuu yimiid kadib markii Qomiyada Sidama ay dalbadeen mamuul gooni ka madaxbanaan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed.

Sidoo kale Banaanbaxyo ballaaran ayaa indhawaanahan ka socday deegaano iyo degmooyin ka tirsan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed ee dalka Itoobiya.