Ciidamada Ismaamulka Tigreega ayaa lagu soo warramayaa in xalay Bandow ay ku soo rogeen magaalada Abi-Adi ee Waqooyiga Itoobiya.

Bandowga oo ah mid balaaran ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn ku yeeshay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Waxaana Albaabada la’isugu dhuftay goobaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Caafimaadka, sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan halkaasi.

Arrintan ayaa timid, kadib markii uu sii xoogeystay is qabqabsiga dhinaca maamulka ah ee ka jira  magaalada Abi-Adi ee gobolka Tigreega.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, iyadoona Ciidamada badan lagu arkayo gudaha magaaladaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.