Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ee Itoobiya ayaa mar kale xidhay Waddada ah ee isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti. Jidkan ayaa ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha ka soo dega ama laga dhoofinayo Djibouti ee ay Itoobiya leedahay.

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa sheegay inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay ku sheegeen shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanadooda kuwaas oo ay ku eedaynayaan qoomiyada Soomaalida.

Dibadbaxayaasha waxay sheegteen in rabshadahaasi lagu dilay  dad badan oo Cafar ah, isla markaana hanti badan la burburiyey. Wargeyskan ayaa soo bandhigay sawiro laga soo qaaday dadkaas gadoodsan oo xidhay jidkaas.

Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa iyaduna shalay baahisay kacdoonka cafarta iyo sida ay u jareen jidkaas halbawlaha ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.