Wararka naga soo garaay gobolka Qorahay ayaa sheegaya Seddax wiil oo isku qoys kasoo jeeday ayaa shalay galab ku dhintay Baraag ay ku dheceen oo sida la sheegay ay biyo ku jireen.

Wiilashaas oo dhamaantood ahaa ilmo aan qaan gaarin ayaa ka dhashay qoys reer guuraa ah oo ku nool tuulada lagu magacaabo Laascaanood oo ka tirsan gobolka Qorahay ee dhulka Somali Galbeed.

Wiilasha dhintay ayaa kala ahaa labo isla dhalatay iyo mid ay Adeer u ahaayeen labada isla dhalatay, waxaana lagu kala magacaabi jiray, Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7-sano Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi Diini 6-sano Jir ahaa, iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4-sano jir ahaa.

Dad biyo u doontay berkadda ay ku dhaceen ilmahaas ayaa soo saaray meydka seddaxdaas wiil ee isku reerka ahaa, weli faahdfaahin laga helin sababta keentay in seddaxduba ay berkedda ku dhacaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco shabakada Halgan Media.