Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya gar ahaan ismamuulka Oromada ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ay dad shacab ah ku xidh xidheen dagmada Dire Teyara ee bariga Oromia.

Dadkan shacabka ah ayaa waxaa saaka aroor nimadii xiligii salaada subax ku beeg nayd waxaa lagala baxay gur yahooda ilaa iyo haatana lama oga meel ay geeyeen ciidanka Itoobiya.

Maahan markii koobaad ee ciidanka Itoobiya ay sidan oo kale shacab ah gur yahooda kala baxaan, waxaana shacabka Muslimiinta ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya guud ahaan marar badan la kulmaan tacadiyo noocan oo kale ah kuwaasi oo isugu jira dil xadhig iyo kufsi.

Hadaba waxaa nasoo gaadhay qaar kamida dadkii saaka ciidamada Itoobiya gurahooda kala baxeen waxaana kamid ah.

  • Dahabo Usman
  • Lehman Usman
  • Kudra Nasri
  • Hamdiya Abdulmalik

Halgan Media.