Wararka laga helayo Gobolka Hiraan ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab weeraren Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Halgan ee Gobolkaasi.

Waxaana lagu soo warramyaa in dhankooda Ciidamada Itoobiya ay ku jawaabeen Madaafiic.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhawaac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aadan weerarkaasi.

Balse dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab weerar ay ku qaadeen Ciidamada Itoobiya oo kusugaan gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya.

Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro Ciidamada Shisheeyaha oo dulaan ku joogo Bartamaaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.