Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya Qarax Miino lagula eegtay duleedka degmada Ceelbarde ee Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Halgan Media ayaa sheegay in qarax xoogan lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanka Xudur iyo Ceelbarde ee Gobolkaasi Bakool.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo ku aadan qaraxaasi. Balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro jid gal ah ku qaada ciidamada Shisheeyaha oo dulaan ku joogo Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.